Our website is currently experiencing issues. The data is not up to date. Thank you for your patience as we work to resolve the problem.
Waji-xirka: KOFID-19 - Minnesota Dept. of Health

Waji-xirka: KOFID-19

Waxaa dib loo saxay 5/11/2022

SARS-CoV-2, waa fayraska sababa KOFID-19 wuxuuna faafaa marka neef ka timaada dhuun-mareenka lagu sii daayo hawada sida marka ay dadka neefsadaan, hadlaan, qufacaan, ama hindhisaan. Waji-xirka waa muhiim si looga hortaggo faafintaanka caabuqaan. Sidoo kale, waji-xirshada waxay ka hortagtaa faafitaanka caabuq lagu kala qaado neefsashada.

Heerka Bulsho ee KOFID-19 iyo qiimeynta Shakhsiga ah

Xarunta ka hortagga iyo xakamaynta cudurada ee loo yaqaan (CDC) waxay u kala saartay heerarka cudurkaan kuwa hooseeya, dhexe ama sareeya. Kala qeybintaan waxaa loogu yeeraa heerka KOFID-19 ee uu bulshada ka joogo sida ay u astaysay CDC. Heerarkaan waxay ku salaysanyihiin marka kiisas cusub ay jiraan, dad horleh isbitaalka la dhigo iyo baaxadda isbitaalka. CDC waxay ku talinaysaa in heer kasta in loo adeegsado tallaabooyin looga hortago oo khaas u ah. Si aad u aragto heerka bulshada aad ku dhex nooshahay cudurkaan uu ka joogo, halkaan booqo CDC: COVID-19 by County. Si aad u ogaato talooyinka wax ku oolka ah ee khuseeya heer kasta uu cudurkaan bulshada ka joogo, booqo halkaan CDC: COVID-19 Community Levels. CDC si todobaadle ah ayey u sheegi doontaa heerarka uu marayo cudurkaan. Fiiro gaar ah u lahoow in KOFID-19 la isku gudbin karo heer kasta uu bulshada ka jooogo xataa haddii uu heerkiisa hooseeyo.

Dad badan oo ku sugan duruufo caafimaad oo gaar ah waxay halis ugu jiraan inay KOFID-19 ka qaadaan xanuuno khatar ah. Si aad u ogaato sababaha keeni kara in cudurkaan halis naftaada uu galin karo, booqo halkaan CDC: People with Certain Medical Conditions.

Sida ay sheegtay hay’adda CDC, waxaa jira arimaha la rabo inaad qiimayso marka aad go’aansanayso inaad xirato waji-xirka waxaana ka mid ah inaad eegto heerka uu bulshada ka joogo KOFID-19, sidoo kale waxaa haboon inaad qiimayso haddii ay jirto halis kuu keeni kara adiga iyo dadka kaa agdhaw xanuuno daran. Sidoo kale, rabitaankaaga iyo raaxadaada qof ahaaneed waa muhiim. Talooyinka hoos ku qoran waxay ka timid CDC waxaana ka mid ah kuwa quseeya dadka jir-difaacooda uu liito ama kuwa halista ugu jira cudurkaan.

Goorta La xirto waji-xirka

Qeybtaan waxay sharaxaysaa talooyin ka yimid CDC iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota eek u saabsan xirashada waji-xirka adigoo qiimeenaya heerka bulsho ee cudurkaan iyo halista uu adiga iyo kuwa kuu dhow galin karo. Wasaaradda Caafimaaka ee Minnesota waxay ku dhiiri galinaysaa dadka reer Minnesota inay raacaan tallaabooyinka la isaga ilaalinayo cudurkaan, sidoo kale dookh ayaad leedahay inaad xiratid waji-xirka haddii aad ku dareemaysid badqab iyadoo aadan u eegeen heerka uu bulshada ka joogo KOFID-19 sida ay u astaysay CDC.

Heerka bulsho ee KOFID-19 sida ay ku astaysay CDC

Mar kasta raac talooyinka hay’adaha caafimaadka bulshada goorta la xirto waji-xirka:

Inkastoo sharci ahaan uusan waajib kugu aheyn inaad xirato wajiga, hadana CDC waxay kula talinaysaa dadka inay xirtaan waji-xirka marka aad joogto meel xiran iyo goobaha gaadiidka dadwaynaha (sida diyaaradaha, tareenada, basaska iyo doomaha). Sidoo kale, (eeraboorada, dadkadha iyo goobaha dadwaynaha). Halkaan eeg CDC: Wearing Masks in Travel and Public Transportation Settings for more information.

Heerka Sare uu KOFID-19 Bulshada ka Joogo sida ay u astaysay CDC

Haddii aad joogtid aag uu sareeyo heerka bulsho ee KOFID-19 waxaad xirata waji-xir sida iskuulada, goobaha dadwaynaha ee xiran iyo goobaha kale ee bulshada isugu imaato iyadoo aadan u eegin xaaladda tallaalka iyo inay xaalad khatar ah ugu jiraan cudurkaan iyo in uu horay ugu dhacay KOFID-19.

Sidoo kale, haddii uu liito jir-difaacaaga ama aad khatar ku sugantahay xanuun uu sababay KOFID-19 darteed, ka fakar inaad iska ilaalisid bannaanka inaad aadid haddii uusan muhiim kuu aheyn halkaas oo aad kasoo qaadi kartid KOOFID-19. Sidoo kale ka fakar inaad waydiiso daryeel-bixiyahaaga caafimaad talo si aad isaga ilaalisid cudurkaan.

Heerka dhexe iyo midka hoose uu bulshada ka joogo KOFID-19 sida ay astaysay CDC

  • Sabab shakhsi ah iyo mid caafimaad
    Haddii uu jir-difaacaaga uu liito ama khatar ugu sugantahay inaad qaado xanuun uu sababay KOFID-19,ka fakar xirashada waji-xirka marka aad joogid goobaha bannaanka iyo kuwa gudaha ah xataa haddii tilmaanta CDC ee heerka bulsho ay dhexdhexaad tahay ama ay hoosayso.
  • Dadka aad la nooshahay halista ayaa kaaga imaan karta
    Haddii aad la nooshahay ama aad dhexgasho qof uu jir-difaaciisu liito ama khatar ugu jira inuu ku dhaco xanuun uu sababay KOFID-19 ka fakar inaad xirato waji-xirka markaad dadkaas la joogtid adigoo aadan eegin heerka bulsho ee KOFID-19 sida ay u astaysay CDC.
  • Goobaha ay joogaan dadka xaalad khatar ah ku sugan
    Haddii aad tagto goobaha ay ku suganyihiin dad cudurkaan la xanuunsan ama xaalad khatar ah ku sugan xiro waji-xirka iyadoo aadan u eegin heerka bulsho ee KOFID-19 sida ay u astaysay CDC, khaasatan haddii dadku ku badanyihiin. Goobaha loogu adeego dadka khatarta ugu jira cudurkaan waxay soo rogi karaan shuruudo iyo siyaasado quseeya waji-xirka si looga hortaggo faafitaanka KOFID-19 xataa haddii uu heerka cudurkaan uu hooseeyo. Wax ka baro qaabka loo haggaajiyo neefsashada, habka hawa qaadista iyo socodka hawada iyo kuwa kale oo badan halkaan ka eeg Indoor Air Considerations: COVID-19 and CDC: Ventilation in Buildings.
  • Cudurada dilaaca
    Hay’adaha caafimaadka dadwaynaha waxay idin kula talinayaan inaad xirtaan waji-xirka marka aad joogtaan goob uu ka dilaacay cudurka KOFID-19.
  • Xaaladda Tallaalka
    Haddii aadan tallaalayn ama horay uusan KOFID-19 kuugu dhicin, ka fakar inaad xirato waji-xirka markaad joogtid goobaha dadwaynaha adigoo aadan eegin heerka uu blshada ka joogo cudurkaan.
  • Dookhaaga Qof ahaaneed
    Waxaad dooran kartaa inaad wajiga xiratid waqti kasta taasna waa dookhaaga xataa haddii dadka kula jooga aysan wajiga xiran ama haddii heerka bulsho ee KOFID-19 uu hooseeyo ama dhex-dhexaad yahay sida ay u astaysay hay’adda CDC.

Wixii faah-faahin dheeraad ah ee kusaabsan sida la isaga ilaaliyo cudurkaan, booqo halkaan Protect Yourself & Others.

Fiiro gaar ah: Goobaha sida isbitaalada iyo xarumaha daryeelka muddada dheer waxay leeyihiin tallaabooyin iyo shuruudo gaar ah ee ku saabsan waji-xirka. Tallooyinka cusub ee CDC ee halkaan ku xusan CDC: COVID-19 Community Levels ma quseeyaan goobaha daryeelka caafimaadka. CDC waxay ku guda jirtaa in ay dib u fiiriso talooyinka cudurkaan ee quseeya dadka aan hoyga haysan iyo kuwa kujira xabsiyada si ay go’aan uga gaarto habka ay isku waafajin lahayd tallaabooyinka hadda ooga degsan ee ku saabsan heerka bulsho ee KOFID-19.

Sharciyada iyo siyaasadaha ku saabsan waji-xirashada

Goobaha qaar waxay yeelan karaan sharci heer federal, gobol ama meel ganacsi oo ku quseeya waji-xirka iyagoo aan tixgalin heerka bulsho ee KOFID-19 uu joogo. Tusaale:

  • Goobaha caafimaadka sida daryeelka muddada dheer waxay yeelan karaan shuruudo iyo sharciyo hoos yimaada dawladda federaalka, mida gobolka iyo tan deegaanka.
  • Dawladdaha hoose (sida magaalada, deegaanka iyo tuulada) waxay soo saari karaan sharci quseeya waji-xirka waana in la raaco.
  • Hay’adaha iyo ganacsiyada shaqaalahooda iyo macaamiishooda si sharciga waafaqsan waxay ooga dalban karaan inay xirtaan waji-xirka.

Liiskaan kuma jiro macluumaad kasta ee quseeya waji-xirka. Isku day inaad fahanto sharciyada quseeya waji-xirka ee ka jira gobolkaaga iyo shaqadaada. Dadka aanan aqoon sharciga ha raadsadaan talo sharciga ku saabsan.

Fiiro gaar ah: Maxkamadda federaalka waxay gaartay go’aan bishii Afaraad 18- keeda, 2022 in hay’adda CDC aysan dadka ku amri Karin inay xirtaan waji-xirka marka ay raacayaan basaska, diyaaradaha, tareenada iyo gaadiidka kale ee dadwaynaha marka ay u safrayaan gudaha iyo dibada Mareekanka. CDC way idinla wadaagi doontaa hadii uu isbadal ku yimaado amarkaas hore. CDC waxay dadka kula talinaysaa inay xirtaan waji-xirka marka ay raacayaan gaadiidka dadwaynaha. Booqo bogga CDC: Requirement for Face Masks on Public Transportation Conveyances and at Transportations Hubs.

Noocyada waji-xirka

  • Wasaaradda Caafimaadka ee Minnesota waxay ku talinaysaa inaad xiratid waji-xir tayo leh oo kaa ilaalin kara cudurka KOFID-19 sida Omricon. Noocyada tayada leh ee wajiga lagu xirto waxaa ka mid ah N95 iyo KN95 kuwaas oo awood u leh inay xannibaan dhibcaha neefta soo raaca. Waji-xirka loo isticmaalo qaliinka tayadiisa way saraysaa waana wax ku ool.
  • Haddii aadan haysan waji-xir ay tayadiisu sarayso sida N95 iyo KN95 xiro waji-xir labo kab ka ah oo maro ka samaysan. Sidoo kale waxaad isku toli kartaa waji-xirka nooca la tuuro iyo maro si aad u xoojisid tayadiisa.
  • Xirashada waji-xir tayo leh waa muhiim marka aad joogtid goob khatar naftaada u galin kara xanuun uu sababy KOFID-19 ama haddii jir-difaacaaga uu liito.
  • Waxaad raadisaa waji-xirka nooca sanka daboolaya. Noocaas waxay yareen karaan daloolada si fiicana way kuu dabooli karaan.
  • Iska ilaali inaad wajiga ku xirato waji-xir khafiif ah ama dabacsan oo laga tolay maro aan tayo laheyn sida kuwa laga sameeyay marada qoorta lagu xirto.
  • Waj-xirka nooca daloolka leh ama bannaan ma haboona inaad xiratid waayo wuxuu soo daynayaa neefta qofka ka imaata oo wadata dhibco. Waji-xirka qaabkaas u samaysan maahan mid badqab leh ee iska taxadar.
  • Dadka qaar ma xiran karaan waji-xirka duruufo ay qabaan darteed sida dadka dhagaha la’ iyo kuwa uu yaryahay maqalkooda wayna ku adagtahay inay dadka la xiriiraan marka ay xirtaan waji-xirka. Fadlan tixraac halkaan Communication While Wearing Masks, waxaad ka helaysaa macluumaad ay diyaarisay Waaxda qaabilsan dadka dhagaha la’ iyo kuwa qaba baahi xaga maqalka ah oo ku saabsan waji-xirka iyo qalabka caawiyaha maqalka.
  • Wixii faah-faahin iyo talo ah oo ku saabsan noocyada waji-xirka, booq halkaan CDC: Types of Masks and Respirators.

Habka loo xirto waji-xir

  • Gacmaha iska dhaq ka hor intaadan gashan waji-xirka iyo kadib markaad iska bixisid.
  • Waji-xirka waa inuusan ciriiri kugu ahayn aadna ku dareentid raaxo markaan xiranayso.
  • Caruurta jira 2 sano iyo wixii ka wayn, u raadi waji-xir la eg oo loogu talo galay caruurta. Caruurta ka yar 2 sano ma haboona inay xirtaan waji-xirka.
  • Haddii aad xirantahay ookiyaale, raadso waji-xir si fiican kuu la eg oo daboolaya sankaaga si uusan kaaga xaddidin inaad si fiican wax u aragto.
  • Ha taaban waji-xirka marka aad xiranayso. Haddii aad taabato waji-xirkaaga si aad u hagaagsato taas macnaheedu waa si fiican kuma le eka waxaadna u baahantahay inaad raadsatid mid kale.
  • Haddii aad xirato waji-xir maro laga samaayey dhaq mar kasta oo aad gashatid.
  • Haddii aad dib u isticmaashid nooca N95 iyo KN95 waxaad galisaa boorsadaada. Ha dhaqin nooca N95 iyo KN95 markaad xirato kadib. Waxaad akhrisaa tilmaamaha iyo macluumaadka ku saabsan waji-xirka iyo goorta la iska badalo.
  • Ha xiran waji-xir wasakh ah, la tuuray ama dilaacay.

Tixraac macluumaadka hoos ku qoran si aad wax ooga ogaatid qaabka ugu haboon ee loo xirto waji-xirka:

Sida ugu Macquulsan ee loo caawin karo dadka qaba duruufaha gaarka ah

Waxaa jira xaalado gaar ah oo aysan macquul aheyn dadka qaarkiis inay xirtaan waji-xirka sabab la xiriirta duruuf gaar ahaaneed. Markaas oo kale waxaa haboon in la helo qaab kale oo dadkaan loo cawimi karo. Sharciyada qaar baa qaba in ganacsiyada iyo hay’adaha ay raadiyaan qaab ay ku caawin karaan dadka ku sugan duruufaha gaarka ah si ay ooga faa’iidaystaan adeegyada iyo alaabaha ay bixiyaan.

Hay’adaha iyo ganacsiyada waa inay ogaadaan:

  • Dadka naafada ah sida kuwa qaba naafo dhanka koriinka ah, naafo xagga hab-dhaqanka ku salaysan ama qaba xanuun dhimirka ah way ku adagtahay dadkaas inay xirtaan wajiga si badqab leh.
  • Dadka ay ku adagtahay neefsashada, miyir daboolma ama aan awoodin inay iska bixiyaan waji-xirka iyaga oo aan la caawin, ma haboona inay xirtaan waji-xirka.
  • Caruurta ka yar 2 sano ma haboona inay xirtaan waji-xirka.
  • Xaaladaha qaar waji-xirashada maahan mid badqab leh sida (dabaasha iyo dhaq-dhaqaaqa marka uu qofka biyo ku dhex jiro).

Dadka reer Minnesota ee naafada ah waxay xaq u leeyihiin inay ku noolaadaan nolol aan takoor laheyn. Sharciga Xuquuqul Insaanka ee Minnesota wuxuu mamnuucayaa in dadka curyaanka la takooro marka ay joogaan goobaha dadwaynaha sida shaqada, iskuulka iyo goobaha kale. Haddii aad naafo tahay wajigana aadan xiran karin oo aad aaminsantahay in laguugu tikooray curyaanimadaada darteed, u gudbi dacwadaada halkaan Minnesota Department of Human Rights: Report Discrimination ama wac teleefanka laga caawiyo dadka la tikooro 1-833-454-0148.

Updated Tuesday, 31-May-2022 10:53:47 CDT