Cudurka Koronafayras 2019 (COVID-19)
Cudurka fayraska korona 2019 (COVID-19) waa cudur neef mareenka ku dhaca. Waxaan wali baraneynaa waxyaabo cusub oo ku saabsan COVID-19. Halkan waxaa ku yaal xoogaa macluumaad ah oo ay tahay inaad ka ogaato wax ku saabsan COVID-19 si looga caawiyo ilaalinta bulshadaada.
Qof kasta oo da' kasta jira wuu qaadi karaa cudurka. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay ka xanuun darnaadaan kuwa kale. Dadka qaba COVID-19 way qaadsiin karaan dadka kale, xitaa haddii aysan xanuun dareemayn.
Astaamaha
Dadka qaar ee qaba infekshanka COVID-19 way yara xanuunsadeen. Qaarkoodna aad ayey u xanuunsadeen. Astaamaha qaarkood ayaa ah:
- Qandho
- Qufac
- Neefta oo yaraata
- Qarqaryo
- Madax xanuun
- Murqo xanuun
- Cune xanuun
- Daal
- San cabur ama sanka oo dareera
- Dhadhanka ama urta oo luma
Astaamaha kale ee aan badnayn waxaa ka mid ah astaamaha caloosha sida lallabbo, matag, ama shuban.
Is-baar hadii aad xanuun dareento. Si aad u hesho goob baaritaan oo kuugu dhow, booqo melaha baritaanada ee COVID-19-ka.
Wac daryeel caafimaad bixiyahaaga haddii aad wax su'aalo ah qabtid ama aad ka walwalsan tahay astaamahaaga.
Ilaali naftaada iyo bulshadaada
Iska yaree khatarta aad ugu jirran karto ama ku faafin karto COVID-19.
Tallaalka qaado. Qof kasta oo reer Minnesota ah oo jira 12 ama ka weyn ayaa heli kara tallaal bilaash ah.
- Raadi Goobaha Tallaalka oo qabso ballan. Waxaad awoodi kartaa inaad iska tallaasho ballan la'aan meelaha qaarkood.
- Laba qaadasho (qiyaas) ayaa loo baahan yahay oo loogu talagalay tallaalka COVID-19 ee Pfizer iyo Moderna, laakiin keliya hal qaadasho (qiyaas) ayaa loo baahan yahay Johnson & Johnson.
- Mar alla markii aad qaadatid qiyaastaada ugu dambeysa, waxay ku qaadataa laba toddobaad jirkaaga inuu dhiso difaac (si buuxda u tallaalan).
Haddii aadan tallaalnayn (oo ay ku jiraan carruurta):
- Xidho maskaraha gudaha melaha ganacsiga, goobaha dadweynaha, iyo goorta aad ka ag dhowaato dadka ka soo jeeda guryaha kale, iyo sidoo kale bannaanka marka aanad ka fogaan karin ugu yaraan 6 fuud dadka kale.
- Ka fogow ugu yaraan 6 fuud dadka ka soo jeeda guryaha kale.
Tallaalnow ama ha tallaalnaan, Waaxda Caafimaadka ee Minnesota waxay si adag ugu talineysaa inaad:
- Dhaqda gacmahaaga marwalba.
- Raacdo tilmaamaha ku saabsan joogitaanka guriga (karantiil) haddii aad la kulantay qof qaba COVID-19. Dadka si buuxda u tallaalan looma baahno inay is-karantiilaan xaaladaha badankood.
- Guriga joog haddii aad jiran tahay.
- Raac talooyinka baaritaanka marka aad safreyso, ama aad leedahay astaamaha COVID-19, ama aad u baylah noqoto COVID-19.
- Guriga ka soo qasho gal haddii ay suurtagal tahay.
Wax dheeri ah baro
Ka hel macluumaadka ugu dambeeya ee COVID-19 shabakadahaan:
- Cudurka Koronafayras gudaha Minnesota
English website
- Xarumaha Xakameynta iyo Ka Hortagga Cudurka ee Koronafayraska Cusub ee 2019
English website
- WellShare International: Koronafayraska Cusub ee 2019
English website with content in Somali.
- Talooyinka Xirashada Afxirka
- Ka-tijaabinta Jaaliyadda ee COVID-19
- Waxa aad Samaynayso Intaad Sugayso Natiijada Baaritaanka COVID-19 (PDF)
Talaalka
- Noqo qof U dooda Talaalka
Galka xogta Talaallada COVID-19 ee Shaqsiyaadka iyo Ururada
- Fariimaha Muhiimka ah ee Talaalka COVID-19 (PDF)
- Talaalka COVID-19 Aasaasiyaadka (PDF)
- Xaqiiqooyinka Tallaalka COVID-19 (PDF)
- Sixitaanka Fikradaha Khaldan ee ku aadan Talaallada COVID-19 (PDF)
- Talaalka Johnson & Johnson COVID-19: Waxa ay tahay inaad Ogaato (PDF)
- Sida Tallaalada mRNA COVID-19 u Shaqeeyaan (PDF)
- Helitaanka Talaalka COVID-19 (PDF)
- Afar Sababood ee Ugu Muhiimsan ee aad U qaadanayso Talaalkaaga COVID-19 (PDF)
- Ka difaac ilmahaaga COVID-19 (PDF)
- Sida aad Cunugaaga uga Talaallayso COVID-19 (PDF)
- Qorshee Talaalka COVID-19 ee Cunugaaga (PDF)
- Sida aad u qabanayso cunugaaga marka la talaalaayo (PDF)
- Tallaalka COVID-19 Ee Loogu Talagalay Dhalinyarada Baahiyaha Gaarka ah Leh ama Naafada ah (PDF)
- Tallaalada COVID-19 iyo Uurka (PDF)
- Miyaad lumisay Kaarkaaga Talaalka? (PDF)
- Iska Ilaali Tuugada Talaalka COVID-19 (PDF)
- Sida Daawooyinka Tallaalka COVID-19 Loo Sameeyay (PDF)
Talaallada COVID-19: Waxa ay tahay inay ogaadaan kuraydu (PDF)
Qoraalka Su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo ee ku Saabsan Sida Talaallada COVID-19 loo Sameeyo (PDF)
Qoraalka Muhiimada Qaadashada Kuuradaada Labaad ee Tallaalka COVID-19 (PDF)
Waa maxay cirbadaha Xoojinta waxtarka talaalka COVID-19? Qoraalka (PDF)
Tallaalka COVID-19: Qoraalka Waxaad filan karto (PDF)
Waxa Aad Filanayso: Qoraalka Helitaanka Xarumaha Talaalka ee Gobalka Minnesota (PDF)
Wixii macluumaadka halkan ka daabaco
- Fariimaha COVID-19 ee Muhiimka ah (PDF)
- Ilaha laga Helo Daryeel Caafimaad Qiime-Jaban leh ama laga Helo Caymis Caafimaad (PDF)
- Waxaad Samaynayso Haddii Aad Qabto COVID-19 (PDF)
- Waxaad Samaynayso Haddii Aad La joogtay Qof qaba COVID-19 (PDF)
- Hagaha Iskarantiilka COVID-19 Waxaa loogu talagalay Dugsiyada, Xarumaha Daryeelka Carruurta, iyo barnaamijyada carruurta (PDF)
- Tusmada Karantiilka ee COVID-19 Waxaa loogu talagalay Dugsiyada, Xarumaha Daryeelka Carruurta, iyo barnaamijyada carruurta (PDF)
- Talooyinka Qaabka Ugu Fiican ee Looga Hortago COVID-19 ee ka jira Dugsiyada: Fariimaha Muhiimka ah (PDF)
- Tusmada Faya Dhawrka (PDF)
- Noqo Ka-Hortage Jermis Gacmaha Iska Dhaq (PDF)
- Postarka ama bostarka: Dabool Afkaaga marka aad Qufaceyso (PDF)
- Warqad faafahinta macluumaadka: Dabool Afkaaga marka aad Qufaceyso (PDF)
Qoraalka Sida Loo Qaado Tijaabada Calyada Guriga lagu sameeyo (PDF)
Waxa aad Filanayso: Qoraalka Booqashada Bata Baaritaanka Candhuufta ee COVID-19 (PDF)
Waxa Ay Tahay in La Sameeyo Ama Aan La Samayn Maaskaraha COVID-19 ee Ardayda (PDF)
Qoraalka Waxa ay tahay Inaad Samayso Haddii aad Jirato - Loogu Talagalay Ardayda (PDF)
Astaamaha COVID-19 ee PSA (PDF)
In Guriga lagu Daaweeyo Astaamaha COVID-19 (PDF)
Ha daahin daryeelka xaaladaha degdegga ah (PDF)
Sida uu COVID-19 ugu faafo bulshooyinka (PDF)